Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay yeeshay shir looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay.
Golaha ayaa ku dhawaaqay caawa in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.