Home WARARKA Xildhibaano ka tirsan labada  Gole oo ka horyimid waxka bedelka Dastuurka

Xildhibaano ka tirsan labada  Gole oo ka horyimid waxka bedelka Dastuurka

74
0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay  shir ku teeshay  71 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya , kuwaas oo diiday wax ka bedelka Dastuurka’ iyagoo sheegay in qorshaha socda dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo.

Xildhibaanada iyo Senatorrada  xalay  shiray ayaa muujiyay in Hawsha  socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin, iyagoo ka digay sida ay wax ku socdaan farriinta u diray madaxweynaha, xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay shirka  xildhibaanada ayaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go’aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhameyn oo Puntiland ay ka maqantahay.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad  iyo Senitor Maxamed yuusuf  Gaagaab oo Hogaaminayay Xildhibaanada shirka ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay kulanka  ,iyagoo sheegay in aysan ku taageereyn madaxweyne Xasan Sheekh, Wax ka bedelka Dastuurka  waxayna ugu baaqeen in uu ka leexdo wada uu ku socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here