Xisbiga Shacabka jubaland (JPP) waxuu soo dhaweynayaa war-murtiyeedka uu soo saaray maanta Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha baarlamaanka jubaland mudane Aden khaliif.
Guddoomiye Aden khaliif waxuu qodob qodob u dul istaagay dastuurka jubaland .
Si gaar ah waxuu xusay qodobka 70aad ee dastuurka oo qeexaya inta jeer ee madaxweynaha jubaland u xilka qaban karo taas oo ah labbo jeer oo mid afar sanno ah.
Sidaa darteed, xisbiga Shacabka jubaland (JPP) waxuu ku boorinayaa dhammaan bulshadda reer jubaland inay u hiiliyaan dastuurka jubaland.
Kana hortagaan damaca waalan ee madaxweynihii hore ee jubaland Axmed Madoobe uu ku doonayo inuu jubaland ka dhigto boqortooyo.