Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Cali Heelle iyo Baraag Sheekh Caamir , waxaana deegaanka Cali Heelle lagu dilay afar xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab, halka deegaanka Baraag Sheekh Caamir lagu dilay 5 xubnood oo kale.
Sidoo kale Hawlgal kale oo ka dhacay Baraak sheekh Caamir ayaa lagu dilay ilaa iyo afar xubnood oo ka tirsan Alshabaab oo lagu bartilmaameedsaday gaari nooca dagaalka ah iyo gaari booyad ah oo Alshabaab ay wateen.
Hawlgalka kale ayaa lagu dilay shan ka tirsan Alshabaab oo lagu beegsaday fariisin ay lahaayeen ku lahayeen deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Sidoo kale , Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalada ay ahayeen kuwa si weyn loo qorsheeyay, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Alsgabaab.