Laba Xubnood oo katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugan degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xubnahaan oo Dhalinyaro ah ayaa muddo sanado ah katirsanaa Ururka Al-Shabaab, iyaga oo ka qeyb qaatay dagaalo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka Soomalaiya.
Xubnaha katirsanaa Al-Shabaab ee isa soo dhiibay oo lagu kala magacaabo Xasan Cabdullaahi Maxamed iyo Ibraahim Axmed Buulle ayaa ka hadlay sababihii keenay inay isaga soo tagaan Al-Shabaab.
Tan iyo Markii dowladda Soomaaliya ay billaawday howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada isku soo dhiibay Saraakiil iyo Xubno katirsanaa Al-Shabaab