Afar xubnood oo ka mid aha saraakiishaa Alshabaab ee deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.
Saraakiisha isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda Alshabaab ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo sarkaalkii u qaabbilsanaa Zakawaadka.
Isa soo dhiibista Xubnahaan ka tirsan Alshabaab ayaa ku soo aadeysa Xuulu Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen degaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose .