Home WARARKA Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay duleedka Magaalada...

Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo

33
0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubaland  ayaa howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay degaanno hoostaga Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

ururka 162’aad  Guutada 16’aad kumaandooska danab  Ciidanka  xoogga dalak iyo   kuwa Jubbaland ayaa Degaanka Baarka oo ay Ciidamadda Markii hore uga soo baxeen saamayntii fatahaadii Balse ay laba jiho Ciidamadda ka weerareen Degaanka Baar-Sanguun

ciidamadda  howlgalka fulinayay ayaa ka gudbay dhanka kale ee  Wabiga Jubba halka Ciidamadda qaarna ay mareen wadada Laamiga ah ee xiriirisa Kismaayo iyo degaanada hobolka Jubada Hoose

Daganada ey  ciidanka   howllgalka ka fuliyeen ayaa kale ah  baxar saafka  iyo Gediga kale ee wabiga Jubba

Ciidamadda  ayaa howlgalkan ku dilay sida ay sheegeen 19 Xubnood oo ka tirsan Alshabaab halka nolosha  lagu qabtay 9  kale oo Alshabaab ka tirsan ayaa lagu tiri warka ka soo baxay Taliska Ciidanka Danab

Sidoo kale ciidamaddu waxay ka furteen hub farabadan 5pkm 2RBG iyo 17Ak47 iyagoona saaray miinooyin ay Alshabaab ku aaseen wada xiriirisa Baarsanguuni iyo Magaalada Kismaayo ee xarunto gobolka Jubada Hoose.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa war ay soo saareen sheegay in ay dileen dhowr Askari ka dib dagaal dhacay Baarsanguuni iyo halkaas oo ay dagaal adag kula galeen ciidamada Danab iyo kuwa Jubland

Arintaan ayaa ku soo aadeysa ,xilli Hawgal ka dhan ah Alshabaab ay ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jublabd ka sameeyeen degaanka baarsanguuni oo ka tirsan degaanada dahaca duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here