Home WARARKA Xukuumadda Soomaaliya oo Jawaab culus u dirtay Itooboya

Xukuumadda Soomaaliya oo Jawaab culus u dirtay Itooboya

81
0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay War kasoo baxay wasiirro katirsan xukuumadda Itoobiya, kuwaas oo sheegayay in Itoobiya ku saxan tahay heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.
Heshiiska ay gaareen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa si weyn marar badan uga soo horjeesatay dowladda Soomaaliya, heshiiskaasi ayaana dhaliyay xiisad siyaasadeed oo labada dal soo kala dhax galay.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in fariimo marin habaabin ah oo loo soo dhiibay wasiirro katirsan xukuumadda Itoobiya ay yihiin kuwa aan waxba u dhimeyn oo riyo maalmeed ah.
”Fariimaha marin habaabinta ah ee baraha Bulshada la soo marinaayo loona soo dhiibey Wasiirada Ethopia waa riyo maalmeed” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaana intaas kusii daray“ Ethopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah ineysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jirey, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan!”
Hase ‘ahaatee ‘ Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ayaana wali fulin, waxa ayna labada dhinac mid kasta rejo ka qabaa in heshiiskaasi hirgalo, taas oo dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeedo in uu hirgalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here