Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixisay warqadii ay dhawaan u dirtay Qaramada Midoobey, taas oo ay ku dalbaneysay in wax laga bedelo howlgalka QM ee Soomaaliya, maadaama la gaaray xiligii Soomaaliya loo madax-baney lahaa arrimaheeda masiiriga ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in go’aankaan uu daba joogay wadahadal rasmi ah oo dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, 6 maalmood ka hor markii ay warqadaasi ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda.
“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay António Guterres ayaa isku afgartay in Xafiiska UNSOM uu noqdo mid arrimahiisa ammaanka iyo siyaasadda lagu aamino dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Fiqi .
Sidoo kale Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa isla gartay in shaqada xafiiskaan oo xil-saaro guddi ka soo shaqeynaya is bedelka la qorsheeyey in lagu sameeyo shaqadii uu xafiiskaasi ka hayey Soomaaliya, tan iyo burburkii dalka.
Wax ka badalka xafiiska kaalmeynta QM ee Soomaaliya waxaa loo saari doonaa guddi ka kala socda labada dhinac, guddigaas ayaa diyaarinaya sidii uu isugu badali lahaa Country Office.” Ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Hadalka wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku soo aadaya Xilli Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ka laabatay go’aamkeedii ahaa in la xitayo Xafiiska Qaramada Soomaaliya ee loo UNSOM.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii hore ku guuleysatey in dalka deynta laga cafiyo, cunaqabateynta hubkana laga qaado, kadib markii la dhameystiray hannaankii barnaamijyadaasi looga baahnaa.