Home WARARKA Xukuumadda Soomaaliya oo Saxiixday Heshiis looga cafinayo lacago malaayiin doolar ah

Xukuumadda Soomaaliya oo Saxiixday Heshiis looga cafinayo lacago malaayiin doolar ah

127
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska, ku soo gebagebay wada-xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeesheen waddamada ku middoobay Naadiga Paris ( Paris club).

Wasiirka oo guushan ka hadlay ayaa yiri, “Iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa aanu toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris kala saxeexanay heshiis lagu dhaafayo dentii ay Soomaaliya ku lahaayeen. “

Talaabadani ayaa ka dhigan in Paris Club ay dhaafeen xaddi dayneed oo ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here