Home CIYAARAHA 7 Koox Oo Premier League Ah Oo Ka Qayb Gali Karta Tartanka...

7 Koox Oo Premier League Ah Oo Ka Qayb Gali Karta Tartanka Champions League, Sabab. – ...

111
0

[ad_1]

yaabaa in ay wayday ku guulaysiga Premier League laakiin waxa ay xilli ciyaareedka dambe ka qayb gali doontaa tartanka champions League.

Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee Mikel Arteta uu ka qeyb galo tartanka caanka ah isagoo ah tababaraha Arsenal – waxayna noqon ugu dambaysay ee aan arki doono qaabka uu ku caan baxay tartanku.

Laga bilaabo 2024/25, dhowr isbedel oo muhiim ah ayaa la soo bandhigi doonaa. Xeerarkaas cusub oo kooban ayaa hoos ku taxan:

1.Hal horyaal oo ka kooban 36 kooxood ayaa bedeli doona habka Group-yada 8-da ah.

2.Koox kastaa waxa ay ciyaari doontaa sideed kulan, dhammaan waxa ay la ciyaari doontaa kooxaha kala duwan. Taasi waa ka guuritaanka lix kulan oo ay la ciyaareen seddex kooxood oo heerka Group-yada ah.

Halkan waxaa ah tusaale ku saabsan sida uu jadwalka u ekaan karo Arsenal qaabka cusub: Real Madrid (a), AC Milan (h), Paris Saint-Germain (a), Shakhtar Donetsk (h), Bayern Munich (a), Benfica (h), Real Sociedad (a), Ajax (h).

3.Heerka kala saraynta ayaa go’aamin doona kooxaha u gudbi doona wareega xiga iyada oo 8-da kooxood ee ugu sareeya si toos ah ugu gudbi doonaan halka, kooxaha ku soo baxay 9-24 waxay ciyaarayaan isreebreeb laba lugood ah wareega 16ka, kooxaha ku soo baxay 25-36 ayaa laga saari doonaa tartanka.

4.Kulamada bug baxa waxba iskama badalayaan.

5.Kooxaha laga soo reebay Champions League-ga ma sii hari doonaan Europa League; haddii la reebo waa la reebay.

6.Nidaamkii wada shaqayneed ee shanta sano ahaa waa la tirtiray. Hadda wadamada ugu waxqabadka wanaagsan ee wadajirka ah ee Yurub ayaa la siin doonaa boos dheeri ah tartanka sanadka xiga.

7.Hadii sharciga kor ku xusan la dhaqan geliyo xilli ciyaareedkan, England iyo Italy ayaa mid walba heli doona boos dheeri ah sababtoo ah kooxaha ka socda wadamadan ayaa ka fiicnaaday wadamada kale.

Maadama tirada tartamayaasha ay noqdeen 36 horyaalka premier League ayaa heli doona boos dheeraad ah sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkooda fiican sanadihii la soo dhaafay.

8.Kaalinta labaad ee dheeriga ah waxay aadi doontaa Spain, Germany ama Italy, iyadoo ku xiran qaab ciyaareedka wadajirka ah ee kooxaha wadamadaas.

9.Wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka dambe tartanka 4-ta boos ee ugu sareeya England ayaa isku badali doona 5-ta ugu saraysa England.

10.Xaalado aan caadi ahayn, England waxay heli kartaa ugu badnaan todobo boos oo Champions League ah: shan koox waxa ay ugu soo bixi doontaa tartanka si caadi ah, kooxda ku guulaysata champions League iyo kooxda ku guulaysata Europa league hadii ay labaas dhacaan.

[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here