Home CIYAARAHA Dalka koobkii qaramada Yurub ka hadhay iyada oo aan ciyaar keliya laga...

Dalka koobkii qaramada Yurub ka hadhay iyada oo aan ciyaar keliya laga badin wakhtii cayinnaa

286
0

Kulankii xalay ay waddanka Portugal sida dirqiga kaga badiyeen xulkii waddanka Slovenia ayaa kulan kale oo xiise leh oo koobkan Qaramada Yurub uu soo bandhigay.

Slovenia iyo Purtugal ayaa isla gaadhay rigoodhayaal, taas oo sahashay in Portugal badiso, kaddib markii wakhtigii caadiga ahaaa ee ciyaartaas loogu talagalay ay ku kala baxeen barbarro gool la’aan ah.

Slovenia, ayaa kulamadii hore ee koobkan dhammaan barbarro soo gashay iyada isreebreebka koobkan ugu soo gudubtay dhibicihii ay ka heshay barbarrahaas.

Sida oo kale waddankan ku yaal badhtamaha Yurub ayaan sagaalkii kulan ee danbeeyey aan laga badin.

Taageerayaasha Slovenia ayaa soo maray maalmo xusuus mudan, intii koobkani socday, oo ay ka mid tahay barbarrihii ay ka heleen England. Waxaana ay ahayd markii horreysay ee halkan ka soo gaadhaan koobkan.

Taageerayaasha dalkan ayaana macasalaamaynaya koobkan iyaga oo madaxoodu sare yahay, xilli aan hal kulan 90-kii daqiiqo ama 120-ki daqiiqo ee cayinnaa aan laga badin keliya marka laga tago rigoodhayaashan u danbeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here