Home CIYAARAHA Kulanka Uu Mauricio Pochettino Ku Soo Laaban Doono Shaqada Tababaranimo Oo La...

Kulanka Uu Mauricio Pochettino Ku Soo Laaban Doono Shaqada Tababaranimo Oo La Ogaaday Xilli Uu Qarka U Saaranyahay In Uu Noqdo Tababaraha Chelsea.

29
0

[ad_1]

Tababare Mauricio Pochettino ayaa la xaqiijiyay kulanka ugu horeeya ee uu ku soo laaban doono shaqada tababaranimo xilli uu qarka u saaranyahay in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda chelsea.
Mauricio Pochettino Ayaa ku soo laaban doona kursiga tababaraha kukanka lacag uruurin ah ee World XI at Soccer Aid.
Pochettino ayaa la filayaa in uu si Rasmi ah shaqadiisa chelsea u bilaabo 1 bisha July laakiin ka hor waxa uu hogaamin doonaa kulanka lacag uruurinta ee UNICEF kulan ka dhici doona Old Trafford 11 bisha June.
Pochettino, oo 51 jir ah, ayaa yiri: “Waa farxad dhab ah in aan qayb ka noqdo ciyaar u taagan waqti dhaqameed weyn oo waliba sanad kasta la qabo isla markaas lacag loogu uruurinayo UNICEF”.
“Waan jeclahay garoomada kubada cagta Ingariiska, xamaasadda ay taageerayaashu u muujiyaan ciyaarta iyo jawiga ay abuuraan, marka aad ayay u fiicnaan doontaa inaan mar kale dareemo bisha soo socota.”
Pochettino ayaa tababare u noqon doona saaxiibadiisii ​​hore ee Argentina Gabriel Batistuta iyo Hernan Crespo kulanka Old Trafford.
Usain Bolt oo ah ninka ugu orodka badan adduunka ayaa noqon doona kabtanka koox ay ku jiraan Francesco Totti iyo xiddigihii hore ee Manchester United Patrice Evra iyo Nani.
Pochettino ayaa dhamaystiraya faahfaahinta heshiis saddex sano ah oo uu kula wareegayo shaqada kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedka.

Related

[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here