Home WARARKA Rag ku eedeysan dilka Askari ka tirsan ciidanka dawlada oo la soo...

Rag ku eedeysan dilka Askari ka tirsan ciidanka dawlada oo la soo qabtay

60
0

 Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee ka hawlgala Saldhigga Boliiska deegaanka Garasbaaley ayaa gacanta ku soo dhigay shabakad ka kooban 4-dhalinyaro ah, kuwaas oo ku eedeysan dilka  Marxuum Xasan Cabdulqaadir Ibraahim oo ka tirsanaa ciidanka ciidanka xoogga dalka

Dilka kadib ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sameeyay kadabatag ayaa gacanta ku soo dhigay shabakad oo watay mooto iyo laba Bastooladood oo ay dilka ku geesteen ayaa lagu yiri warka soo baxay taliska booliska Garasbaaleey.

Eedeysanayaasha ayaa la horgeyndoonaa maxkamadda awoodda u leh inay kiiskooda dacwadooda dhegeysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here