Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lala beegsaday xubnaha Al-Shabaab ay ka dhacday deegaanka Carabow oo hoostaga gobolkaasi, halkaas oo lagu dilay Xubno badan oo ka tirsan Alshabaab
Duqeynta ayaa sidoo kale la sheegay in lala bartilmaameedsaday goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsanUrurka Al-Shabaab, waxaana gaaray dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha duqeynta lagu dilay ay ku jiraan saraakiil ajaaniib ahaa oo ka barbar dagaalamayay Alshabaab , isla markaana ku sugnaa goobta ay duqaynta ka dhacday.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas lagu illaa 20 Xubnood oo ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa Halka a la duqeeyay.
Inta uu weerarka socday waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad milatari oo Al-Shabaab u tiilay deegaanka Carabow oo ah halka ay ka dhacday duqeynta.
Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in aan la tegi karin goobaha lala dhacay gantaallada, balse waxa ay xaqiijiyeen inay maqlayeen dhawaqa duqeynta oo ahayd mid culus.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas lagula eegtay gobolka Jubbada Dhexe.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli faahfaahin bixin duqeyntaasi iyo khasaaraha ka dhashay