Home WARARKA Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo lagu dilay degmada  Kaaraan ee...

Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo lagu dilay degmada  Kaaraan ee gobolka Banaadir

30
0

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarkaal la dilay ayaa lagu magacaabi jiray korneel Cabdullaahi Cali Calasoow Madaxeey waxana dilka sarkaal geystay kooxo ku hubeysan bastoolado sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay.

Sarkaalkan ayaa la dilay ka dib markii uu ka soo baxay Masjid ku yaala xafada Arjantiin ee degmada Kaaraan.

Ciidamado ka tirsan laamaha Amniga ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay mana jirto sida la sheegay cid loo soo aqabtay dilka sarkaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here