Home CIYAARAHA YAAB!! Mikel Arteta Oo Shaqaalihiisa Tababarka Ku Soo Daray “Eey” & Sababta...

YAAB!! Mikel Arteta Oo Shaqaalihiisa Tababarka Ku Soo Daray “Eey” & Sababta Oo La Ogaaday. – ...

63
0

[ad_1]

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaqaalihiisa tababarka ku soo daray “Eey” si uu hoos ugu dhigo daalka maskaxeed ee xiddigaha kooxdiisa sida ay sheegayaan wararku.
Rajadii Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka premier League ayaa soo dhamaatay kadib markii ay Gunners guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Brighton todobaadkii hore waxana ay 4 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Man City.
Arsenal ayaa soo yarayn karta dhibcaha ay ka dmabeeyaan Man City hadii ay garaacaan Nottingham Forest Sabtida ka hor kulanka ay Man City la ciyaari doonto Chelsea Axada.
Sida laga soo xigtay The Times, Arteta ayaa dareemay in dareenka garoonka tababarka ee kooxdiisu u baahanyahay is badal waxana uu kooxda keenay “Eey”
“Eey” Ayaa maalinta oo dhan ku qaata garoonka tababaraka Arsenal waxana uu xidhiidh fiican la leeyahay xiddigaha kooxda Arsenal.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in Arteta uu “Eey” u bixiyay magac uu xiddigihiisa ku xasuusinayo macaanka guusha waxana uu u bixiyay “Guul”.

Related

[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here