Home WARARKA Soomaaliya iyo Maraykanka oo yeelanaya xiriir dhanka duullimaadyada ah

Soomaaliya iyo Maraykanka oo yeelanaya xiriir dhanka duullimaadyada ah

119
0

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa maanta la kulmay mas’uuliyiin ka socota hay’adda TSA oo Mareykanka u qaabbilsan Amniga Garoomada.

Kulanka oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta hay’adaha amniga garoonka, hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo madaxda ka socota hey’adda TSA.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo 3 maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde.

Kulamada ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka.

Kulanka ayaa lagu qorshaynayaa sidii lagu gaari lahaa in Diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here