Home WARARKA Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gobolka Jubada...

Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gobolka Jubada Hoose

76
0

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa Weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubada hoose

Wararka ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab oo degaankaas ku sugneyd

“Jab xooggan ayaa gaaray  Kooxda Alshabaab kujira horjoogayaal sar-sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato” ayuu yiri sarkaal ka tirsan taliyeyaasha howlgalkaas horkacayey.

Waxaa uu intaas ku daray in tan iyo bilowgii sanadkan  Al shababa gobolka Jubada hoose loogu dhigayay cashiro aan marnaba qalbiyadooda ka baxayn, in ka badan 100 xubnoodna looga dilay Howlgalo is xigxigay oo gobolka ay wadajir uga fuliyeen Ciidamada  Dawlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here