Home WARARKA Amaanka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo Xumaaday

Amaanka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo Xumaaday

130
0

Amaanka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa faraha ka baxay, kadib markii uu si weyn u kordhay dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Baledweyne.

Xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne ayaa xiliyada habeenkii ah waxaa ka bilowday dhac baahsan loogu geysanaayay dadka wata talefanada gacanta lagu qaato iyo agabyada kale, waxaana dhacaasi geysanaayay kooxi hubeysan oo badankooda ku labisan dharka ciidanka dowladda.

Xalay ayay ahayd iska hor imaad ka dhashay dhac taleefano oo u dhaxeeyay burcada dhaca geysata iyo ciidan deegaanka ah ku geeriyooday hooyo lagu magacaabo Leyla Xuseen oo ay haleeshay rasaasta u dhaxeysay labada dhinac, iyadoo ku sugan gurigeeda.

Iska hor imaadka oo ahaa mid kooban ayaa ka dhacay buulo oo ka tirsan xaafada Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne oo ka mid ah xaafadaha burcada ka geystaan dhaca ugu badan.

Sidoo kale  Xalay rag ku hubeysnaa qoriga BkM dhac ka geysteen Carwooyin ku yaala bartamaha magaalada Baledweyne oo lagu iibinaayay dharka noocyadiisa kala duwan.

Dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya dhibaatada dhaca ah ee sii baahaysa oo aysan muuqan cid wax ka qabato, iyadoo magaalada gudaheeda ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan maamulada Hiiraan State iyo Hirshabeelle oo isku haysta maamulista Baledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here