Home Blog Page 74

Maraykan oo Ciidamo u soo diraya Soomaaliya

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray in dib Soomaaliya loogu celiyo boqollaal askarta dalkaas ah sida maanta laga soo xigtay saraakiil Ameerikaan ah.
Maamulkii madaxweyne Donald Trump ayaa bishii Diseember ee sanadkii 2020, Soomaaliya kala baxay ciidan Ameerikaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 700 oo askari, kuwaas oo shaqadooda ay ahayd in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Madaxweyne Biden wuxuu oggolaaday codsi uga yimid Xogyaha Gaashaandhiga oo ahaa in dib loo howlgeliyo milaterigii Mareykanka ee joogay Soomaaliya, si uu wax ku ool u noqdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka mid ah maamulka dowladda, kaas oo magaciisa aan la sheegin.
“Tallaabadani waa dib u celinta ciidan horay u tagayay, ugana imaanayay Soomaaliya si ku saleysan xaalado gaar ah, ka hor intii uusan maamulkii hore go’aansan soo-saaristooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray mas’uulka.
Al-Shabaab oo lala xiriiriyo Al-Qaacidda ayaa ku howlan in ay la wareegto degaanada dawlada dowladda Soomaaliya,ay maamusho talada waddankan ay la wareegto.
Dhowr jeer oo hore ayay kooxdu qaraxyo ka fulisay magaalada Muqdisho iyo deegaanno ka baxsan.

Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo Furmay

0

Maareeyaha Garoonka Diyaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho Cabdinasir Maxamud gurey ayaa sheegay in dhamaan la lafasaxay Dulimaadka iyo dagitaanka Diyaaradaha ee Garoonka Aden cade international Airport Ee Muqdisho .

Mareeyaha garoonka ayaa sheegay in ay dhamaatay Doorashadii awalba loo hakiyey iyo bandowgii muqdisho shalay saarnaa.

Waxa si caadiya u socota shaqada Iyo Dulimaadyada Garoonka Aden cade international Airport Maanta oo isniin ah.

Dhowr Qodob oo horyaala Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

0

Xasan Sheekh ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyada Soomaaliya isagoo wareeggii seddaaxd uguna dambeeyay uga adkaaday madaxweynaha xilka haya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa helay 214 cod halka Farmaajona uu helay 110 cod. Waxaa codeysay 327 xildhibana ee labada aqal ee baarlamaanka.

Waxaa doorashada u tartantay in ka badan 30 murashax uu ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag.

Xasan Sheekh kuma cusba Villa Soomaaliya, waxaan sidoo kale ku cusbeyn caqabadaha horyaalla oo ah kuwa taagnaa intii uu madaxweynaha ahaa dhwor sano ka hor. Haddaba waxaan dib u eegeynaa qaar ka mid ah caqabadaha horyaalla madaxweynaha cusub.

Qeybo badan oo kamid ah deegaannada dalka waxaa gacanta ku haya ururka Al Shabaab, mar kasta waxaa dhawaaca weeraro iyo qaraxyo ay geystaan Shabaab. dalka waxaa ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo ilaaliya goobaha muhiimka ee dowladda, sida Tendhaha Afisyoone oo ay doorashada ka dhacday.

Madaxweynaha cusub waxaa horyaalla caqabaddan, waxaana laga doonayo in uu wax ka qabto amni darrada ka jirta dalka.

Dalalka beesha caalamka waxay dowladda Soomaaliya ka taakuleysa dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.

Britain ayaa magaalada Baybdho ka bilowday barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya.

Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa ciidmada Danab halka Turkiga uu isagana wado tababaridda sarakiisha ciidanka soomaliya.

Madaxweynahan cusub waxaa hor taalla shaqadan si loo helo ciidamo qaran oo si buuxda ula wareego gacan ku heynta amniga Soomaaliya, taasoo waddada u xaarta in hawolgalka ATMIS la soo gabgabeeya.

Wuxuu qorshaha ahaa in waxa ka dambeeya doorashada 2020-ka in Soomaaliya ay ku tallaabsato doorasho qof iyo cod ah, qorshahaas oo aan ilaa hadda suurtagelin maadama dalka ay ka jirto xaalad amni darro ah iyadoo adkaatay in la diiwaangeliyo codbixiyeyaasha xilli dhinacyada siyaasadda ay su’aal geliyeen suurtagalnimada arrintaas.

Madaxweynahan cusub ayaa laga sugayaa sidii Soomaaliya ay doorashada soo socota looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Doorashadan waxaa xildhibaanada baarlamaanka soo doortay ergooyinka ku sugan deegaan doorashooyinka dalka kuwaas oo soo doortay madaxweynaha.

Soomaaliya waxa haatan lagu xukumaa Dastuur ku meel gaar ah, oo la ansixiyay 1-dii August, 2012-kii.

Ansixinta Dastuurka oo tan iyo xilligaas ay howsheeda soo jiitameysay ayey isu gudbiyeen baarlamaannadii dalka, walina lama soo saarin dastuur dhammeystiran.

Iyadoo Soomaaliya uu harreeyay khilaaf doorasho ayaa waxay dhinacyada isku hayay siyaasadda Soomaaliya ay isku khilaafsanaayeen hanaankii loo mari lahaa arrintaas.

Madaxweynaha haatan la doortay ayaa laga sugaya in uu dardargeliyo dadaallada lagu dhameystirayo dastuurka qeybyada ah si looga gudbo caqabaddan in muddo ah soo jiitameysay.

Qodobka 63-aad iyo qodobka 71-aad ee dastuurka ku meel-gaarka ah ayaa baarlamaanka awood u siinaya iney iyaga qabtaan howshaas, waxaana iska leh baarlamaanka federaalka.

Howlaha ugu dambeeya ee dhammeystirka Dastuurka waxaa qeyb ka ah in madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay heshiis ka gaaraan si la isugu waafaqo dastuurka kama dambeysta ah ee dalka uu sida tooska ah u qaadanayo.

Madaxweynahan cusub ee Soomaaliya waxaa laga doonayaa in uu isku keeno dhinacyada ay kala geysay siyaaasadda oo ay kamid yihiin madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe.

Sanadihii ugu dambeeyay abaaro ba’an ayaa waxay saameeyeen qeyba badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Abaarahaasi ayaa sameeyay dad iyo dunyaba, hay’adaha gargaarka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado shacabka dhibaateysan, Waxay sheegeen in malaayiin qof ay u baahan yihiin cuno gargaar ah.

Madaxweynaha cusub ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inuu wax ka qabto abaaraha dalka ka taagn, kuwaas horseedaya in malaayiin qof ay wajahaan macaluul, iyadoo halista ugu badan ay la kulmayaan carruurta yaryar.

Musuq maasuqa ayaa weli dhibaata ku haya Soomaaliya xilli Soomaaliya ay kaalinta 178-aad ka gashay 180-ka waddan ee ku jira liiska dalalka uu sida xun u saameeyay musuqa, sida ku xusan warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International.

La dagaalanka musuqmaasuqa waxa uu markasta qeyb ka yahay qorshaha dowlad kasta oo timaado balse madaxweynahan cusub ayaa looga baahan yahay in uu la yimaado qorsheyeyaal lagu la dagaallamayo musuqmaasuqa.

Madaxda Dawlad Goboleedyada oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee  Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee xalay kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.

Madaxweyne Kaariye ayaa u rajeeyay madaxweynahe Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.

Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Sidoo kale’ Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa hambalyo u diray Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub ee Dalka in Masuuliyada culus ee loo doortay uu Alle u fududeeyo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhamaaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Cusub ee DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub inuu u fududeeyo shaqooyinka horyaala isla markana uu la garab galo masuuliyada Cusub ee loo doortay.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee muujiyay dhabar adayga iyagoo saacado badan u fadhiyay sidii ay u dooran lahayeen Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hambalyo u diray Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo caawa ku guulaystay Tartanka Madaxweynanimo ee Dalka, waxaan Rabi uga barinayaa inuu xilka la garab galo kuna asturo

Madaxweyne Laftagareen ayaa ku ammaanay labada aqal ee Baarlamaanka cusub iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hannaanka doorashooyinka dalka oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyey laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.

, Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Alle uga rajeeyey Madaxweyne Xasan Shekh in uu waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo loo doortay  Xasan Shiikh Maxamuud.

“Waxaan u hambalyeeynaya Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa masuul hore usoo shaqeeyay wuxuuna ku yimi isbedel dalka ka dhacay. Waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo Xilka loo doortay.

Muxuu ka yiri Ra’iisal wasaare Rooble Guusha Madaxweyne Xasan Sheekh ka gaaray doorashada?

0

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ay doorteen BFS labadiisa aqal.

Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday ayuu yiri” Rooble.

Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa mahadsan yihiin xildhibaannada Soomaaliyeed oo maanta codkooda dalka uga saaray xaaladdii hubanti la’aanta ahayd.

Waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaalla.

Dawlada UK oo Hambalyo u soo dirtay Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud

0

Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, oo qoraal soo dhigtay bartaTwitter-ka ayaa u hambalyeeysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay sheegtay in dowladda UK ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo Hambalyo u diray Madaxweynah la doortay ee Soomaaliya

0

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u hambalyo u diray madaxweynahacusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu xaley ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Abiyu wuxuu sheegay in uu si dhaw uu la shaqeyn doono madaxweynaha cuusb, ayna iska kaashan doonaan doono arrimo ay kamid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka,

Hadalkan ayuu ku sheegay farriin uu Abiy soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Xasan Sheekh ayaa helay 214 cod halka Farmaajona uu helay 110 cod. Waxaa codeysay 327 xildhibana ee labada aqal ee baarlamaanka.

Waxaa doorashada u tartantay in ka badan 30 murashax uu ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Markii loo doortay nMadaxweynaha Soomaaliya

0

Doorashada shalay ilaa xalay ka socotay Xaruunta Teendhada Afasiyooni ayaa ugu dambeeyntiina Waxaa ku guuleystya madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.

Xasan Sheekh wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh ayaa wareegii 2-aad uga soo gudbay 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga soo gudbay 83-cod, waxayna labada musharax ku kala hareen wareegii ugu dambeeyey ee 3-aad.

Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay 2dii Duhurnimo ayaa lagu kala baxay saqdii  dhexe ee xalay, waxaana soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo horay ugu guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo KMG ka baxdo burburkii kadib, wuxuu xalay noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Kooramka xildhibaanadii codeeyey ayaa ku furmay 329 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee BFS, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Doorashadaan waxaa ka qeyb galay 36 musharax, waxaana wareegii 1-aad ka soo gudbay afar musharax oo kala ahaa Xasan Sheekh, Maxamed Farmaajo, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre, waxaana wareegii 3-aad u gudbay Xasan Sheekh iyo Maxamed Farmaajo, ugu dambeyntiina waxaa caawa xilka Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamed.

Toos : Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya iyo Afar Musharax oo ku soo haray wareega 2aad

0

Waxaa laga  gudbay wareega 1aad ee  doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo loo gudbay wareegga labaad.

34 musharax ayaa doorashada Teendhada Afisiyooni ka qayb galay, waxaana ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre.

Natiijada ay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in wareegga koowaad ay ugu cod badan yihiin Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu helay 52 cod, halka Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo isaga ku haray wareega koowaad  ayaa helay 39 cod, balse uma gudbin  wareegga labaad. Waxaa jira codad badan oo gaaraya illaa 13 oo hallaabay.

Musharaxa Madaxweyne ee  hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.

Saxaafada Madaxa banaan oo loo diiday in ay Tabiyaan Wararka doorashada madaxweynaha Soomaaliya

0

Saxaafada madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa banaan ka joog ka ah hoolka ay ka dhaceyso doorahsada Soomaaliya, iyaga oo loo diiday in ay wararka ka soo tabiyaan gudaha hoolka.

Sida ay muujinayaan sawiro laga qaaday weriyaasha ayaa ku sugan goob banaank ka ah hoolka iyaga oo wata qalabkoodii warbaahinta.

Habraaca doorashada ee ay horey u soo saareen gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weriyaashu ay wararka doorashada ka soo tabin doonaan hool u dhaw kan ay doorashadu ka dhaceyso oo lagu rakibay shaashado ay ka arki karaan waxa dhacaya.