Home WARARKA Ciidamada Dawlada & Kuwa Jubland oo Hawlgal kula wareegay degaanno ka  tirsan...

Ciidamada Dawlada & Kuwa Jubland oo Hawlgal kula wareegay degaanno ka  tirsan gobolka Jubada Hoose

83
0

Ciidanka Daraawiishta Jubland  iyo kuwa Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 162-aad ee Kumaandooska danab iyo qaybta 43-aad ayaa kala wareegay Al-Shabaab  degaano u dhaxeeya Janaay Cabdalle iyo Degmada Afmadow   ee gobolka Jubada Hoose.

Howlgal  qorshaysan ayay ciidamada kula waregeen  Deegaanada Harboole, Miido, iyo Biibi,iyadoo Howlgalka uu ahaa mid la isku furayo deegaanada gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada ayaa inta ay howlgalkan ku jireen burburiyay fariisimo Al-shabaab  ay ku lahaayeen deegaanadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here