Home WARARKA Wafdi ka socda DFS & Dawlad goboleedyada oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi ka socda DFS & Dawlad goboleedyada oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo

106
0

Wafdi ka kooban Wasiirada Wasaaradaha Beeraha  Iyo  waraabka Dawlada Federaalka Soomaaliya , Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa maanta soo gaaray magaaladan Baydhabo.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Beeraha & Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xeyr  Maareeye waxana  garoonka diyaarada ee Magalada Baydhabo ku soo dhaweeyey wasiiro, xildhibaano ka tirsan Dawlad goboleedka Koofur galbeed iyo Maamulka Degmada Baydhabo.

Hase’ahaatee ‘ Wafdigaan Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa Ujeedka socdaalkooda waxaa lagu sheegay dhiiro gelinta wax soo saarka dalagyada Beeraha  dalkeena Soomaaliya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here