Home WARARKA Daacish oo sheegtay in ay dishay dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan

Daacish oo sheegtay in ay dishay dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan

29
0

Kooxda Daacish ayaa sheegatay in dagaalyahanadooda ay weerarro ku qaadeen xarumaha  ay ku leeyihiin Alshabaab ee gudaha Soomaaliya, ayna ku dileen in ka badan 50 xubnood oo ay ku jiraan taliyayaal muhiim ah.

Warbixin lagu daabacay majaladda caalamiga ah ee Al_Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu qoray warkaan.

Daacish waxay sheegtay inay Alshabaab kala wareegeen degaano cusub oo dhaca buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

Waxay sheegtay in weerarrada Alshabaab ay kaga furteen hub iyo rasaas kala duwan.

Daacish waxay  xustay in weeraradan ay dhaceen intii lagu jiray bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo dhamnmadka bishii Shacbaan.

Daacish iyo Alshabaab ayaa xarumo qarsoodi ah ku leh degaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, waxayna labadooda   isku haystaan  awoodda maamul ee buuralayda gobolka Bari.

Alshabaab ayaa doonaysa inay Daacish ka ciribtito gobolka Bari, si ay kaligeed u noqoto awoodda ka talisa buuraha gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here