Home WARARKA Dawlada Soomaaliya oo soo soo saartay Digniino la Xiriirta Roobka

Dawlada Soomaaliya oo soo soo saartay Digniino la Xiriirta Roobka

30
0

Wasaaradda  Deegaanka Xukuumadda Soomaaliya  ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April.

Warbixinta wasaaradda ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu khatar ugu jiro in uu fataho gaar ahaan magaalada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle.

Waxa kale oo suurta-gal ah ayaa la lagu yiri warbixintan in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ahaan iyadoo xaddiga roobkuna uu u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%.

Wasaaradda Deegaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in xaddiga kuleylkauu isna sii ahaan doono mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ay ku boorineyso dhamaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa saaxibada Caalamka oo is kaashanaya ayaa saacadahii lasoo dhaafay duqeymo dhanka cirka ah Ka fuliyay deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhaxe iyo Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here