Home WARARKA Maraykanka iyo Soomaaliya oo Heshiis gaaray

Maraykanka iyo Soomaaliya oo Heshiis gaaray

28
0

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan kula qaatay Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya Saraakiil sar sare oo ka socday Wasaaradda Difaaaca Maraykanka,.

Kulanka waxaa ka Qayb  galay  Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo xubna kale.

Kulanka ayaana looga  hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta Soomaalia iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinaca Amniga  iyo sidii Dawlada Maraykanku usii laba jibaari lahayd Tageerada ay siiso Dawlada Soomaalia.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xfs Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  S/Gaas  ibraahim Sheikh Muxudiin iyo mas’uuliyiinta kale ayaa umahd-celiyay Saraakiisha kasocotay Dowladda Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here