Home WARARKA Dhageysiga Kiiska Dacwada Eedeysane  Sayid Cali  oo la soo gabagabeeyay

Dhageysiga Kiiska Dacwada Eedeysane  Sayid Cali  oo la soo gabagabeeyay

49
0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad lasoo taagay eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo heesto in uu gubay xaaskiisa oo xaamilo aheyd oo lagu magacaabayay Luul Cabdicasiis.

Eedeysana ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in uusan isagu si kas ah u gubin xaaskiisa, waxa uuna sheegay in khilaaf ka dhashay maseyr xagiisa ah uu ka dhashay dabka keenay in ay gubato xaaskiisa una geeriyooto.

Sayid-cali ayaa sheegay in xaaskiisa ay ku xanaaqday una sheegtay in aysan nolol dambe la wadaageyn, waxa uuna xusay in ay ka dalbatay furriin , iyada oo u raacisay in ay guursaneyso nin kale oo ilmaha la koronaya lacagna siinaya.

”Habeenkii Jimcaha markii aan guriga tagay ayaan u geeyay cabitaan aan u gaday, balse cabitaankii ayey daadisay iyada oo xanaaq ii muujisay, qolkayga jiifka ayaan galay sariirta ayaana jiiftay, Luul qolka ayey isoo gashay iyada oo alaabo igu soo tuurtay igana nixisay, waxa ayna igu tiri in aad i furto ayaa jirta, nin oday ah ayaan guursanaya oo lacag i siinaya ilmahana ila korinaya, aniga waan xanaaqay alaabteeda nin kale kuma jiifanayo ayaan dhahay, bannaanka ayaan u baxay bansiin ayaan soo gatay qol martida jiifan jirtay ayaan soo gubay, markana qolka jiifka soo aaday ayaan Luul ku dhahay qolka ka bax waan gubaa kii kalana waan soo gubay, inta aan qolka gubin ayaan maqlay qeylada Luul oo ku jirta qolkii aan soo gubay , waan soo bad baadiyay banaanka usoo bixiyay iyada iyo ilmaha , markaas kaddib ayaan cabsaday oon guriga ka tagay” ayuu yiri Sayid-cali.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale maxkamadda kahor sheegay in uu xaaskiisa aad u jeclaa, waxa uuna xusay in aysan suurto gal ka aheyn in uu xaaskiisa oo uur yar u laheyd uu gubo, balse qolkii gubanayay iyada gashay sidaasna uu dhibka ku dhacay.

Dhageysiga kiiska dilka ah ee loo heesto Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa la soo gaba gabeeyay waxaana Gudoomiyaha maxkamada gobolka banaadir Saalax Dabaan uu sheegay in dhawaan Natiijada Xukunka Eedeysanaha ay ku dhawaqaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here