Magaalooyinka waaweyn ee Galmudug ayaa laga dareemayaa Barakacayaal isugu jira Ciidamo Dowlada Soomaaliya ka tirsan iyo Dad Rayid ah kadib markii ciidamada jiida hore ee koofurta mudug dagaalka kula jiray kooxda shabaab ay si lama filaan ah ku soo baneeyeen goobihii ay ku sugnaayeen.
Ciidamada oo isugu jira ciidamada Xooga dalka kuwoodii lagu soo tababaray Dalka Eretaria , kuwa Gorgor ee Turkigu taageero, Daraawiishta Galmudug iyo ciidamo macawislay iyo culimada ahlusuna oo dhawaan ka soo baxay jiidaha dagaalka ee Caad, Jeex jeex, Shabeelow, Camaara iyo Xinlabi ayaa intooda badan ku sugan Magaalooyinka Baxdo , cadaado, Wisil iyo gooba kale oo aan ahayn saldhigyadii ay fariisamaha ku lahaayeen.
dadka deegaanada ay ciidmadu ku suganyihiin ayaa sheegaya in xiligan Ramadaanka ah in ay bulshada deegaanka gacan ka helaan balse dadka deegaanka oo ay ku soo qaxeen dadkii deeganaasi soo baneeyay ayaa aad uga cabanaya in culaysada halkaasi ka jira.
Ciidamadaan oo qilaaf sayaasadeed looga soo saaray jiidaha dagaal ayaan la ogayn halka ay ku danbayn doonaan.