Home WARARKA Haweeney maleegtay Qarax oo la xukumay

Haweeney maleegtay Qarax oo la xukumay

70
0

Axlaam Al-Bashiir oo u dhalatay dalka Syria ayaa waxaa shalay oo Jimco la soo taagay Maxkamad ku taalla dalka Turkiye, iyadoo ku eedeysan Qarax ka dhacay Dhabaha caanka ee Istiqlaal ee magaalladda Istanbul bishii November ee sanadkii 2022-kii.

Lix qof oo ayaa ku geeriyootay, halka ay 99 kalena ku dhaawacmeen Qaraxaasi oo la dhigay Dhabaha mashquulka badan ee Istiqlaal ee Istanbul.

Haweeneydaasi oo 23 jir ah waxaa lagu xukumay Xabsi aan Cafis lahayn oo gaarayo 1,794 sano iyo Ganaax Lacageed 22,000 oo Lacagta Turkish Liras, una dhiganta 680 Dollarka Maraykanka.

Horey, Ciiddanka Ammaanka ee Turkish-ka waxay Qaraxaasi u soo xireen Axlaam Al-Bashiir oo ahayd La-Tuhunsanaha ugu weyn iyo 6 kale ayaa loo soo xiray Maleegida iyo qarxinta Qaraxaasi oo noociisu ahaa TNT .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here