Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka degmada Xarardheere ee gobolka mudug ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baraag- Cali Gaduud ku dhawaad 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay.
G/Sare Cabdiraxmaan Jimcaale oo Hogaaminayay howgalkan qorshaysan ee laga fuliyeen deegaankaas 40 KM u jira magaalada Xarardheere ayaa sheegay in halkaas Alshabaab a looga furtay 4 qori oo ah AK47 iyo quriga nooca Baasuukaha ah(Saban).
Sanaadda ciidan ee laga furtay Alshbaab ayaa lagu soo bandhigay goob fagaare ah, iyadoo shacabka deegaanka ay ka mahadceliyeen howgallada ka socda halkaas, kuwaas oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Alshababa