Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa Daahfuray Hay’adda Dhowrista Xogta Qaranka, oo ah Hay’ad u xilsaaran ilaalinta xogta iyo hubinta in aan si khaldan loo isticmaalin, waxaana ku wehliyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xildhibaane Xuseen Axmed Culusow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md Cabdicasiis Duwane Isaaq.
Wasiirka oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixiyeen meelmarinta Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta (Data Protection bill), waxaana lagu guuleesatay Dhismaha Hey’addaan oo baahi loo qabay….”Xogteenu, mid qaran leeyahay iyo mid qofeed, bannaanka ayay taallaa, waxaa xil naga saaran ilaalinteena, Waa howl bilow ah, balse ahmiyad weyn u leh qarankeena.”ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Mudane Maxamed Axmed Cali (Royal) oo ka hadlay Munaasabadda ayaa u mahadceliyey Madaxda Wasaaradda dadaalka ay ku bixiyeen Dhismaha iyo taabbagalinta Shaqadaan loo haayo Qaranka.
Hay’adda Dhowrista Xogta oo ka mid ah Hey’adaha hoosyimaado Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa la filayaa in waxbadan ka qabato dheelitirka uruurinta xogta shaqsiga ah si adeeg loogu fidiyo bulshada, iyo in xogta shaqsiga ah aan loo adeegsan hanaan aan sharciga waafaqsanayn oo dhibaato u gaysan karta qofka xogta laga qaaday.