Home WARARKA Khasaare ka  dhashay Shil baabuur oo ka dhacay Muqdisho

Khasaare ka  dhashay Shil baabuur oo ka dhacay Muqdisho

35
0

Faah Faahino ayaa ka soo baxay Khasaare ka dhashay shil Baabuur oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka   Banaadir.

Shilka ayaa dhacay ka dib Baabuur nuuca xamuulka qaada ah oo ku Fariin goostay wadada laamiga ah ee Afisiyooni, waxaana shilka ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga Xamuul ayaa dul maray gaari Surf iyo sidoo kale mooto bajaaj waddada mareysay, waxaana dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa gaariga iyo mootada.

Inta la ogyahay  hal  qof ayaa ku dhintay shilkan ka dhacay magaalada Muqdisho , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo ka agdhawaa goobta uu shilka ka dhacay ,kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaad eek u yaalka Magaalada Muqdishgo si loogu soo daaweeyo.

Ciidamada  Ilaalada waddooyinka ee booliska ayaa u gurmaday dadka uu  waxyeelada kasoo gaaray shilka.  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here