Home WARARKA Kulanka banbaxa Gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo lagu...

Kulanka banbaxa Gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo lagu qabtay magaalada Kismssyo

73
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga ah ee Golaha Shacabka oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah dowlad goboleedka Jubbaland,waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Kismaayo ayaa xubnaha guddiga joogtada ah waxa ay uga hadleen ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka

Inta kulanka uu socday ayaa waxaa lagu ansixiyay laba qeybood oo kala ah ajendayaasha guud ee kalfadhiga shanaad iyadoo sidoo kale la jadwaleeyay Ajendayaashii horay u yaalay Golaha iyo intii kale ee cusbeyd islamarkaana Golaha soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here