Home WARARKA Midowga Yurub – iyo Hindiya oo codsaday Hawlgal Milliteri oo ka dhan...

Midowga Yurub – iyo Hindiya oo codsaday Hawlgal Milliteri oo ka dhan ah Burcad-baddeeda

150
0

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Bangladesh ayaa ka biyo diidsan Codsi ay u gudbiyeen Ciiddanka Badda ee Hindiya iyo kuwa Hawlgalka Midowga Europe ee Operation ATALANTA, si Faragelin Milliteri loogu soo badbaadiyo Badmaaxiinta u dhashay dalka Bangladesh ee lagu haysto Xeebaha Bariga Somalia.

Milkiilaha  Shirkadda SR Shipping Limited ee leh Markabkaasi waxa uu ka biyo diiday Qorshahaasi, isagoo  walaac ka muujiyey khatarta ku imaan karta Nolosha 23-ka Badmaax ee afduubka loogu haysto Markabka Xamuulka ee MV Abdullah.

Dhanka kale,  Sarkaalka Fulinta Guud ee Shirkadda SR Shipping Limited,  Mehrul Kariim ayaa xaqiijiyey inay diideen Fasaxa Hawlgalka Milliteri ee Hindiya iyo Midowga Europe ku doonayaan inay ku weeraraan Markabkaasi.

Lab Markab Dagaal oo ay kala leeyihiin Hawlgalka Operation ATALANTA iyo Ciiddanka Badda Hindiya ayaa u qorshaysan inay si wadajir ah u fuliyaan Hawlgalka Milliteri ee lagu soo badbaadinayo Badmaaxiinta la socota Markabka Xamuulka ee MV Abdullah oo isbuucii hore laga qafaashay Xeebaha Somalia.

Komaandooska Ciiddanka Hindiya waxay Sabtidii la soo dhaafay fuliyeen Hawlgal Khaas ah oo ay ku weerareen Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhowr bilood afduub u haysteen Markabka Xamuulka ee MV RUEN.

Hawlgalkaasi waxaa lagu soo badbaadiyey Badmaaxiintii la socotay, halka ilaa 35 Burcad-baddeed Soomaali ah isku dhiibeen Ciiddanka Hindiya oo iyagana ku sii wareejiyey Dowladda Bulgaria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here