Home WARARKA Puntland oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya Nidaam kaligii Talis ah ay...

Puntland oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya Nidaam kaligii Talis ah ay gashay

30
0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Cusmaan Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay, 30 sano kadib dowladnimada Soomaaliya in ay isku rogtay nidaam kaligiis talis ah oo awoodda dalka ay ku arurtay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, oo ka qeyb galayay dood xalay ka dhacay barta X ee horey loo oran jiray Twitter, ayaa tilmaamay, sababta dastuurka wax looga beddelay in ay tahay in meesha laga saaro awoodaha dowlad goboleedyada iyo xafiiska raysal wasaaraha.

Sidoo kale Midane Ilyaas Cismaan Lugatoor wuxuu sheegay, Puntland dadaalkii ay kusoo bixisay dhismaha dowladnimada Soomaaliya in loogu beddelay in awood qeybsigii dowladnimada meesha laga saaro, dalkana dib loogusoo celiyo khatartii uu u dumay 30 sano ka hor.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland   Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in khilaafka ka dhexeya Puntland iyo Dawlada Federaalka  uusan  ahayn mid dastuurka kaliya khuseeyo balse arimo kale ay isku heystaan.

Ugu dambeeyntiina Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Lugatoor waxa uu sheegay, in Puntland ayka go’ tahay in Soomaaliya Dawlad loo siman yahay ay kadhalato taas oo dhismaheeda loo marayo Midnimo iyo in la ilaaliyo dastuurkii Soomaaliya heshiiska ku ahayd…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here