Home WARARKA Alshabaab iyo Ciidamo Macawisley ah oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Alshabaab iyo Ciidamo Macawisley ah oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

31
0

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa  ka jira maanta degaano ka tirsan gobolka Hiiraan  ka dib dagaal xoogan saacadhii la soo dhaafay ku dhexmaray inta u dhaxeysa degmada Buulaburte iyo Halgan ee gobolka Ciidamo Macawiisleeyda  gobolka Hiiraan iyo xubno Al-shabaab.

Ciidamada Macawisleyda ayaa dhaqdhaaqyo  weli  kawada degaanadii lagu dagaalamay ee gobolka Hiiraan iyadoona saacadihii la soo dhaafay  ay nuux dhaafiyeen degaanadaasi si ay uga hortagaan weerarda Alshabaab ay soo qaadayaan.

Weerarka ka dhacay naeaaxyiga dgmada Buulo burte ee gobolka Hiiraan ee dhexmaray Alshabaab oyo Ciidanka Mamacawisleyda ah  ayaa la sheegay inuu socday ku dhawaad 2 saacadood oo xiriir ah oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Xubno la tirsan ciidanka deegaanka oo la hadlay  warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 5 xubnood  oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, islamarkaana dhankooda uu kaga dhintay hal ruux.

Weerarka ka dhacay buurta wareertire ee ka tirsan degmada Buulo burte ee gobola Hiiraan ayaa kusoo aadaya , iyadoo diyaaradaha dagaalka saxiibada Caalamka ay duqeymo culus oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka geysteen deegaanka Jicibow oo qiyaas ahaan 25 KM u jira degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here