Home WARARKA Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

64
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May Awgeed waxa uu Ubax dhigay Taalada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobonimo u dirirka ahaa ee SYL.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay munaasabadda Ubax dhiga xuska 15-ka May, oo ah maalinta aas-aaska dhalinyaradii gobonimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Wasiirka Dhalinyaradda , Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda G/Banaadir, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Dhinaca kale Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Munaasabada 15ka may ayaa ka hadlay Ahmiyadda ay u leedahay Dhalinyarada Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay Dhalinyrada in ay Wadaan doorkooda ku aadan Difaacada dalka iyo dib u dhiskiisa

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Dhalin yarada Soomaaliyeed in ay Hormuud u noqdaan Doorasho Qof iyo Cod oo dalka ka dhacda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here