Home WARARKA Taliska Ciidanka xoogga dalka oo lagu wareejiyay Gaadiid Dagaal

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo lagu wareejiyay Gaadiid Dagaal

27
0

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed jemeraal ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta Dowladda Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu talagalay ciidamada kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

Gaadiidkaan ayaa loogu talagalay inay ku howlgalaan guutada 16aad ee kumaandooska Danab waxaana Taliyaha ciidanka xoogga dalka uu kula wareegay Muqdisho.

Sii Hayaha xilka safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Shane Dikson , ayaa taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay gaadiidkaan oo ah kuwa dagaalka looguna talagalay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ee Danab

 Ugu dambeeyntiina Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Mareykanka uga mahad-caliyay kaalinta muuqata oo ay ka qaadatay dib u dhiska ciidamada iyo sida ay u garab taaganyihiin ciidamada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here