Home WARARKA Kenya oo Maxkamad  Soo taagtay Xubin ka Tirsan Kooxda Daacish

Kenya oo Maxkamad  Soo taagtay Xubin ka Tirsan Kooxda Daacish

56
0

Kenya ayaa maxkamad soo taagtay nin lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyihii ugu Weynaa kooxda Daacish ee bariga Afrika.

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ninkaan oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali alias Abu Fidaa (Abu Shuhadaa) ku eedeysay inuu qorsheynayay inuu ururka Daacish ka dhiso dalka Kenya iyo gobolka Bariga Afrika sannadkii 2016.

Sanadkii 2016 ayaa ninkan lasoo qabtay, tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xukun suge.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Kenya, ayaa warbixin uu soo saaray Jimcihii, ku sheegay in eedeysanaha lagu helay dembi ah inuu xubno u qorayay Ururka Daacish.

Xeer ilaalinta Kenya ayaa codsatay in ninkan lagu xukumo xabsi dhan ilaa 90 sano ah, sababo la xiriira culayska dambiyada lagu eedeeyay iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga Kenya.

Ninkaan Eedeysanaha ayaa Xukunkiisa ayaa loo qorsheeyay inuu dhaco Abriil 22, 2024. Dawlada Kenya Kenya ayaa dagaal kula Jirta Alshabaab iyo Daacish oo dagaal kawada Soomaaliya sodoo kalenya Kenya ay u tag la’ dahay wax ka qabashada Weerada Alshabaab ay ka geystaan gudaha dalkeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here