Home WARARKA Ra’iisal Wasaare Xamse oo shir Uga qayb galaya dalka Baxreeyn

Ra’iisal Wasaare Xamse oo shir Uga qayb galaya dalka Baxreeyn

92
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda da Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee Dalka Bahrain, kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Mudane Abdul Latif Rashid.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal, isla markaana laysku dhaafsan lahaa khibradaha dhanka amniga, maadaama ay labada dalba halganka kula jiraan Xaqiijinta Amniga .

Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray, danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacabka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan danaha ay wadaagaan labada dal, kaas oo muhiim tahay in la sii xoojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here