Home WARARKA Shir looga hadlayo fursaddaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya oo Muqdisho ka...

Shir looga hadlayo fursaddaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya

29
0

Muqdisho waxaa maanta ka furmaya carwada maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha oo qorshuhu yahay in lagu soo bandhigo qaabka maalgashi ee Soomaaliya.

Carwada waxa ka qayb gali doona madax kale duwan, waxana qaban qaabadeeda lahaa Wasaaradda Qorsheynta Dawladda Federaalka.

Sahro Cali Xasan oo ah danjiraha Soomaaliya u fadhisa dalka Tanzania ayaa sheegtay in maalgashatada dunida, gaar ahaan kuwa bariga afrika lagu casuumay shirka Muqdisho, isla markaana lagu lafa guri doono waxyaabaha horutabinta u leh maalgalinta Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee jira.

Shirka ayaa ka qabsoomi doona hool ku yaala hangarka garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni, waxana furi doona madax sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka.

Maalinta berito ah ayaa la soo gabagabeyn doonaa shirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here