Home WARARKA Soomaaliland oo ka Falcelisay  war ka soo baxay Dawlada Jabuuti

Soomaaliland oo ka Falcelisay  war ka soo baxay Dawlada Jabuuti

31
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka jawaabay hadalkii wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo cadeeyey in Jabuuti ay si weyn uga caroodeen tallaabadii uu Muuse BIixi badda ku siiyey Itoobiya.

Ciise Keyd Maxamuud ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan u arkin hadalka wasiirka maaliyadda Jabuuti.

“Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya meel aad u wanaagsan ayuu marayaa, wax kastana waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey……

.Si fudud uma aanaan tegin Itoobiya, afar bilood ayaan ka shaqeynayey arrintaas, kulanka Jabuuti markii uu dhacayey anigu waxaan joogay Addis Ababa, taasi waxay keentay in madaxweynuhu uu Itoobiya tago si heshiiskaas uu u saxiixo, maadaama uu soo dhamaaday wadahadalkeenii anaga iyo Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Hadalka Wasiirka Arimada dibada Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya Xilli Dawlada Jabuuti ay  ka soo horjeesatay Heshiiska Itoobiya iyo Soomaliland iyadoo Dawlada Federaalka Soomaliya ay aad uga carooray Heshiiskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here