Home WARARKA Soomaaliya oo cambaareeysay Weerar ka dhacay dalka Ruushka

Soomaaliya oo cambaareeysay Weerar ka dhacay dalka Ruushka

100
0

Dawladda Soomaaliya ayaa ku cambaaraysay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka warsaxaafadeed ay soo saartay madaxtooyada Muqdisho.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si adag u cambaaraynayaa weerarkii arxan darrada ahaa ee ka dhacay hoolka xafladaha e Moscow” ayaa lau yiri warsaxaafadeedka.

Madaxweynuhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadka ku wax yeeloobay iyo qoysaskooda iyo guud ahaan dadka uu saameeyay”.

Dhowrkii daqiiqo ee ugu dambeeyay guddiga baaritaanka ee Ruushka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 60 qof lagu dilay weerarka.

“Meydadka dadka dhintay hadda waa la baarayaa, si ku-meel-gaar ah ayaa loo xaqiijiyay in ay in ka badan 60 qof ku dhinteen weerarka argagixisanimo, nasiib-darro, tirada dhibbanayaasha waa ay sii kordhi kartaa,” ayuu yiri guddiga baarista ee loo xilsaaray in ay kormeeraan jawaabta weerarka.

Weerarkan oo ah mid naadir ayaa waxaa sheegtay kooxda isku magacawday dawladda Islaamka ii ISIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here