Home WARARKA Soomaaliya oo ka digtay dabeyllo iyo mowjado ka soo socda badweynta Hindiya

Soomaaliya oo ka digtay dabeyllo iyo mowjado ka soo socda badweynta Hindiya

60
0

Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Soomaaliya ayaa ka digtay in ay jiraan mowjado xoog leh iyo dabeylo kuwaas oo waxyeello u geysan kara gaadiidka badweynta Hindiya.

Wasaaradda waxay sheegtay in xiliga bad-xiranka uu bilowday una sii soconaya ilaa iyo bisha sagaalaad ee sanadkan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha Mudane Saadaam Maxamuud Cabdi ayaa shirjaraa’id uu qabtay kaga hadlay arintaan. Wuxuuna uga digay dekadaha badweynta Hindiya in ay jiraan mowjado xoog leh iyo dabeylo kuwaas oo waxyeelo u geysan kara kalluumeysatada iyo noockasta oo gaadiid badda ah.

“Waxaan uga digayaa ganacsatada Somaaliyeed in aysan hantidooda soo saaran gaadiidka aan iska caabin karin mowjadaha badda iyo dabeylaha”

Sidoo kale shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay in waalidiinta deggan xeebaha ay la socdaan ubadkooda aadaya badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here