Home WARARKA Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray Saldhiga Ugu ciidanka dawlada ee ku yaalla...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray Saldhiga Ugu ciidanka dawlada ee ku yaalla  duleedka Muqdisho

62
0

Saraakiil ah oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa socod isugu jira kormeer iyo dhiiro-gelin ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga oo ku sugan xerada Arbacow ee gobalka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ayaa ciidanka u sheeegay in la doonayo in kaalin mug leh ay ka qaataan la dagaalanka Al Shabaab, isagoo saraakiisha iyo askarta faray in sare loo qaado howlgalka ka dhn ah Alshabaab ee ka socda Shabeellada Hoose.

Waxa uu saraakiisha iyo ciidanka uu la kulmay taliyaha u sheegay in diyaar u noqdaan howlgalo cusub oo ka dhan ah Al Shabaab oo la bilaabayo, waxa uuna ciidanka amray in dagaal u diyaar garoobaan.

Kormeerka taliyaha ku tagay xerada Arbacow ee kutaalla gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kusoo aadeysa xilli shalay Al Shabaab weerar culus ku qaadeen xero ciidanka dowladda kaga sugnaayeen deegaanka katirsan Sh. Hoose laguna dilay saraakiil ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here