Home WARARKA Xubno badan oo ka tirsan Alshabaab oo duqayn lagu dilay

Xubno badan oo ka tirsan Alshabaab oo duqayn lagu dilay

142
0

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 40 Xubnood oo ka yirsan Alshabaab  lagu  dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka dhacay deegaanka bacaadka Faarax Aadan oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo Alshabaab  ay isku aruursanayeen iyaga oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere.

Sidoo kale in ka badan 35 Xubnood oo Alshabaab ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Alshabaab .

Sidoo kale Hawlgalkaas  ayaa lagu   bartilmaameedsaday Al Shabaabkii   soo weeraray deegaanka Daaru-Nicma .

Sidoo kale  6 xubnood oo ka tirsan Alshabaab ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay hawlgal lagu bartimaameedsaday fariisin Alshabaab  ay ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la ciribtiro Alshabaab ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay dawlada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here