Home WARARKA Xubno ka tirsan Alshabaab oo  isa soo dhiibay

Xubno ka tirsan Alshabaab oo  isa soo dhiibay

24
0

Xubnoka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay  in ay  isu soo dhiibeen ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ka howlgala deegaanada maamul goboleedka Koonfur-galbeed,gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Xubnaha isku soo dhiibay ciidanka nabad sugida ayaa gaaraya ilaa saddex xubnood,waxaana  oo lagu kala  magacaabaa  Ibraahim Xuseen Maxamed,Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.

Xubnahaan ayaa sheegay in ay qeyb ka ahaayeen Xubno ku dhuumaaleysan jiray gobollada Baay,Bakool,Shabeellada Hoose iyo Hiiraan oo ay ka howlgalayeen,iyagoo ka warmaya sababta ay uga soo baxayaan maleeshiyaadka Khawaajirta ayeey ku tilmaameen in ay u adkeysan waayeen xaaladdaha nololeed ee ka jira goobah ay Alshabaab ay joogaan oo ay ku dhuumaaleysanayaan iyo dhibaatooyinka ka soo wajahay duurka,dhanka kale waxay ugu saaxiibadood ugu baaqeen inay dowladda isku soo dhiibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here