Home WARARKA Alshabab oo lagu Eedeeyay in ay ka dambeeyeen Dabkii ka kacay...

Alshabab oo lagu Eedeeyay in ay ka dambeeyeen Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

87
0

Guddoomiye kuxigeenka amniga  iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo tagay suuqa Bakaraha oo uu dabku ka kacay ayaa ku eedeeyay falkaasi in ay ka dambeeyeen Al Shabaab iyo Daacish ee diidan dowladnimada Soomaaliya.

Gudoomiye Yabooh Waxa uu sheegay in dabka uu ka dhashay qarax nuuca miinada ah oo la dhigay aaga uu dabku ka kacay, waxa uuna xusay in miinada lagu qarxiyay nin waardiye ka ahaa suuqa oo arkay qaraxaasi, kaa oo damacsanaa in uu hibiyo waxa meesha la dhigay.

Yabooh ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay ninkii suuqaasi waardiyaha ka ahaa, waxa uu sidoo kale tilmaamay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro badan oo hantiyadeed uusan sheegi karin xilligan inta ay la egtahay.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa ku eedeeyay kooxaha argaxisada ah in ay yihiin kuwa aan marnaba u naxeyn dadkooda lana daba taagan dhibaato, waxa uuna sheegay in qaraxan uu daba socdo kii isbuucyo kahor ka dhacay Bakaaraha ee dadka badan ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here