Home WARARKA Dawlada Itoobiya oo xukuntay koox tirsan Alshabaab

Dawlada Itoobiya oo xukuntay koox tirsan Alshabaab

43
0

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laba sano ka hor lagu qabtay dagaal ay ku qaadeen dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya labo sano ilaa iyo xabsi daa’in ah.

Xukunka xabsiga ah ayaa lagu riday 41 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay dileen 265 qof, halka dhaawacana lagu sheegay in ay gaarsiyeen 323 xubnood oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo dad kale oo shacab ahaa oo ay six un u dhawaacen, sida ay sheegtay dawladda Itoobiya.

Sida laga soo xigtay dawladda Itoobiya, xubnaha la maxkamadeeyay ee Shabaabka ah ayaa waxaa ku jira hugaamiyeyaal.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay in raggaan ay qaateen laba baabuur, 470 neef oo ari ah iyo 119 neef oo geel ah.

Sida lagu sheegay dacwadda raggaan ayaa sannadkii 2012-kii intooda badan billaabay ka mid noqdashada ururka Al-shabaab ee Soomaaliya, kuwaasoo xiriir la leh Al-Qaacida, dunidana looga aqoonsan yahay urur argagixiso.

Dawladd Itoobiya  waxay sheegtay in ay ka war heshay in ragaan loo soo diray in ay argagax galiyaan deegano ay ka mid yihiin, degmooyinka Bareey, Godigood, Kohle, Xardur iyo Hargeele oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida iyo sidoo kale deegaano ay ka midyihiin Cadaadleey, Mustaxiil iyo Feerfeer oo ku yaalla aagga gobolka Shebeele.

Booliska Federaalka ayaa sheegay in 41-ka qof ee liiskan lagu soo oogay aysan difaaci karin eedeymaha loo soo jeediyay iyaga oo ku dhawaaqay in lagu xukumay labo sano oo xarig ah ilaa iyo xabsi daa’in.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamaddu waxay go’aamisay in laba eedaysane oo lagu kala tilmaamay lambar 15 jir iyo 21 waxa ay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah, maadaama dambigooda oo uu ahaa oo keliya inay ka tirsan yihiin Alshabaab .

Al-Shabaab ayaa sanadkii 2022 kii waxay weerar aan kala joogsi lahayn ku ekeysay deegaano ku yaalla xadka u dhaxeeya Soomalaiya iyo Itoobiya, iyada oo arkii dambe gudaha u gashay deegaanada Dawlad Deegaanka SOomaalida, halkaas oo marrkii dambe looga qabtay xubno badan oo kamid ah ciidankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here