Home WARARKA Shir looga hadlayo Arimaha cadaaladda oo muqdisho ka furmay

Shir looga hadlayo Arimaha cadaaladda oo muqdisho ka furmay

52
0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo uu weheliyo xoghayaha joogtada Wasaradda Cadaalada Feysal Aadan Xasan ayaa daahfuray Shir Wadatashi ah oo ku saabsan hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed.

Shirka oo ay soo qeyb galeen bahda Asluubta Soomaaliyeed ayaa dood wax ku ool ah laga sameyn doonaa Farsamada qaab dhismeedka nidaamka hannaanka federaleynta Asluubta Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa heshiis ku saabsan hagaajinta iyo hirgalinta lagama maarmaanka u ah hannaanka federaaleynta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here